Gå direkt till textinnehållet Gå direkt till navigationen
Webbplatsen kan inte läsas in korrekt

Se till att du använder en rekommenderad webbläsare. Är så redan fallet, försök besöka oss igen om en stund.

Rekommenderade webbläsare

Hab-dhiska gunnada hawlgabka ee dalka Iswiidhan

Hab-dhiska gunnada hawlgabka ee dalka Iswiidan wuxuu ka kooban yahay sadex qaybood: gunnada hawlgabka guud [allmän pension] ee u qaranka bixiyo, gunnada hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo [tjänstepension] iyo lacagtii u qofku kaydsaday.

Gunnada hawlgabka guud waxay ku salaysan tahay, dhammaan daqliyada dalka Iswiidan aad ku lahaan jirtay. Sannadka kasta oo aad shaqayso oo aad canshuur bixiso waxaa lagugu tirinayaa gunnada hawlgabka guud. Tan kale lacag dheeraad ayaa gunnada hawlgabka lagugu xisaabinayaa, taasoo ku salaysan afarta sano ee ugu horeeyso noolasha ubadkaaga, iyadoo aan fiirogaar la siin muddada aad fasaxa waalidiinta ku maqnayd.

Xitaa haddii aad fasaxa waalidiinta qaadatay, wax ku barato deqda/deynta waxbarashada, gudato waajibka qaranka (tababarka aasaasiga ee waajibka qaranka), qaadato gunnada bukaha ama dhaqdhaqaaqa [sjuk- ama aktivitetsersättning] ama aad qaadato gunnada Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha, waxaa lagu siinayaa magdhowga hawlgabka ee u qaranka bixiyo.

Heerka gunnada hawlgabka ee dadka badidooda qaataan, kolba sare ayuu u kaca hadba heerka daqligooda u ahaa iyo goorta dambe u ay hawlgabnimada galaan. Taasoo u sabab ah muddada gaaban ee gunnada hawlgabka la bixin doonaa, laakin xitaa maadaama aad sii wadayso tirsashada gunnada hawlgabka. Waxaa kaloo gunnadaada hawlgabka saamayn ku yeelan doono, horumarka mushaharrada dalka Iswiidan iyo kaydka gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan [premiepensionsfonder].

Gunnadaada hawlgabka guud ee u qaranka bixiyo, waxaa maaamusho oona bixiso Hay`adda Gunnada Hawlgabka. Gunnada hawlgabka waxay ka kooban tahay dhawr qaybood – gunnada hawlgabka daqliga [inkomstpension], gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan [premiepension], ku darka gunnada hawlgabka daqliga [inkomstpensionstillägg] iyo damaanada gunnada hawlgabka [garantipension].

Haddii aad dhalatay sannooyinka u dhaxeeya 1938-1953, waxaa dhici karto in ku darka gunnada hawlgabka u qayb ka yahay gunnada hawlgabka guud ee adiga ku gaarka ah. Haddii aad dhalatay 1937 ama kahor, wuxuu gunnada hawlgabka guud ee ku darka gunnada hawlgabka [tilläggspension] iyo waxaa dhici karto ku darka gunnada hawlgabka daqliga iyo damaanada gunnada hawlgabka. Gunnada hawlgabka guud waxaa la bixiyaa intii u qofku nool yahay.

Haddii gunnada hawlgabka aad qaadato aynan kugu filnayn waxaad dalban kartaa kabidda kirada hoyga [bostadstillägg] iyo taageero-dhaqaaleedka waayeellada loogu talagalay [äldreförsörjningsstöd] ayaa gunnada hawlgabka guud lagu biirin karaa.

Haddii qof qaraabo ah u ka geeriyoodo waxaa lagu siin karaa gunnada hawlgabka ee qofka laga geeriyooday [efterlevandepension], taasoo ah taageero-dhaqaaleed lagu kabo daqligii ka lummay maadaama aad tahay qof laga geeriyooday.

Sidatan ayaa gunnada hawlgabka loo xisaabiyaa

Markii Dalka Iswiidan aad ka shaqaysanasyo waxaa sannad kasta boqolkiiba 18,5 ee mushaharkaaga iyo gunnooyinka kale ee canshuuraha laga bixiyo gooni loogu dhiga gunnada hawlgabka guud. Boqolkiiba 16 daqligii gunnada hawlgabka waxaa gooni loogu dhiga, qiimaha gunnada hawlgabka wuxuu garab socda horumarka daqliga ee Dalka Iswiidan.

Boqolkiiba 2,5 ee mushaharkaaga iyo gunnooyinka kale ee canshuuraha laga bixiyo ee hartay waxaa lagu biiriyaa gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan, waxaana haysata fursad aad ku doorato kaydka aad lacagahaas ku meelayn lahayd. Laakin qasab ma ahan inaad adiga doorato. Haddii aadan kaydka dooran waxaa lacagaha lagugu meelayn doonaa kaydka AP7 Såfa ee u qaranka maamulo.

Daqligii shaqada ka sokkoow waxaa jiraan daqliyo iyo gunnooyin kale oo gunnada hawlgabka ku salaysan tahay. Kuwaasoo loo yaqaanno lacagaha gunnada hawlgabka ay ku salaysan yihiin. Lacagaha gunnada hawlgabka ay ku salaysan yihiin waxaa lagu siin karaa sannooyinka aad ilmo yaryar xannaanayn jirtay, qaadan jirtay gunnada bukaanka ama gunnada dhaqdhaqaaqa [aktivitetsersättning] iyo waxbarashada sare.

Qaybaha kala duwan ee hab-dhiska gunnada hawlgabka

Daqliga gunnada hawlgabka

Sannad kasta boqolkiiba 16 ee daqliga gunnada hawlgabka iyo gunnooyinka kale ee canshuuraha laga bixiyo ayaa gooni loogu dhiga gunnada hawlgabka.

Daqliyada ee gunnada hawlgabka ku salaysan yihiin waxay ka koobnaan karaan noocyo daqliyo oo kala duwan. Mushaharka ka sokkoow waxay daqliyada ee gunnada hawlgabka ku salaysan yihiin ka kooban yihiin sida tusaale daqligii ku soo galay waagi aad ganacsade ahayd (iska u shaqaysan jirtay), qaadan jirtay Lacagta waalidiinta, Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha iyo Gunnada bukaanka ama gunnada dhaqdhaqaaqa.

Gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan

Sannad kasta ayaa gooni loogu dhiga 2,5 boqolkiiba ee daqliyada ee gunnada hawlgabka ku salaysan yihiin iyo gunnooyinka kale ee canshuuraha laga bixiyo ku gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan. Adiga ayaa dooran karo haddii aad doonayso inaad lacagaha dhigato kayd oo adiga dooratay ama haddii lacagaha lagugu kaydin doono kaydka AP7 Såfa ee u qaranka maamulo. Gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan

Ku darka gunnada hawlgabka daqliga

Ku darka gunnada hawlgabka daqliga waxaa la bixiyaa sida ku dar ahaanta gunnada hawlgabka guud. Heerka laxisaabiyay  ee daqliga gunnada hawlgabka ku salaysan ee dalka Iswiidan iyo daqliga gunnada hawlgabka ku salaysan yahay ee Midowga Yurub/Isbahaysiga dhaqaalaha Yurub ama dalka Switzerland ayay ku xiran tahay lacagaha aad xaq ku leedahay. Tirada sannooyinka daqliyada ee gunnada hawlgabka ku salaysan yihiin oo aad ka shaqaysatay dalka Iswiidan waxay saamayn ku yeelan kartaa inta ku darka gunnada hawlgabka daqliga ee lagu siin doono. Ku darka gunnada hawlgabka daqliga

Damaanada gunnada hawlgabka

Haddii aad lahaan jirtay daqli yar ama aadan lahaan jirin wax daqli ah, waxaad xaq u lahaan kartaa damaanada gunnada hawlgabka. Waa ilaalinta aasaasiga oo ku salaysan siiba heerka daqliga gunnada hawlgabka u yahay iyo tirada sannooyin aad dalka Iswiidan ku noolayd, laakiin xitaa xaalad-qoyseedkaaga lagu saleeyo. Damaanada gunnada hawlgabka

Kabidda kirada hoyga iyo taageero-dhaqaaleedka waayeellada loogu talagalay

Haddii gunnada hawlgabka lagu siiyo aynan kugu filnayn oona degan tahay dalka Iswiidan waxaad codsan kartaa om kabidda kirada hoyga. Kabidda kirada hoyga waxaa lagu saleeyaa daqliyadaada, hantidaada iyo kharashka guriga. Waad codsan kartaa kabidda kirada hoyga iyadoo fiirogaar aan la siin, nooca guriga sida kuwa la kireysto, kuwa la iibsado, guri aad milkayadiisa leedahay, kuwa waayeellada ama nooc kale.

Taageero-dhaqaaleedka waayeellada loogu talagalay waa damaanad loogu talagalay, qofka qaato gunnada hawlgabka aan badnayn ama aan wax gunno hawlgab aan qaadan kuna nool dalka Iswiidan, sidii u ku helo heer-noololeed macquul ah inkastoo gunnada hawlgabka iyo faa`iidooyinkooda aynan ku filnayn. Waa inaad marka hore qaadato faa`iidooyinka gunnooyinka kale oo adiga xaq ku leedahay, kahor inta hay`adda aynan go`aan ka gaarin codsiga taageero-dhaqaaleedka waayeellada loogu talagalay. Kabidda kirada hoyga iyo taageero-dhaqaaleedka waayeellada loogu talagalay

Haddii aad dalka Iswiidan ka guurto

Haddii aad shaqada ka tagto, dal kale shaqo ka bilaawdo ama dalka Iswiidan ka guurto, waxaad xaq ugu leedahay gunnada hawlgabka ee aad shaqaysatay oo ku salaysnaa daqligii gunnada hawlgabka, ku darka gunnada hawlgabka iyo gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan, laakiin ku saabsan damaanada gunnada hawlgabka, ku darka gunnada hawlgabka daqliga, kabidda kirada hoyga iyo taageero-dhaqaaleedka waayeellada loogu talagalay waxaa u degsan nidaam kale.

Gunnada hawlgabkaaga ee dal kale ka qaadato wuxuu saamayn ku yeelan karaa gunnada hawlgabka ee dalka Iswiidan laga siiyo

Haddii gunno-hawlgabeed aad dal kale ka shaqaysatay, saamayn kuma yeelan doonto daqligii gunnada hawlgabka, gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan iyo ku darka gunnada hawlgabka. Wuxuu saamayn ku yeelan karaa damaanada gunnada hawlgabkaaga, ku darka gunnada hawlgabka daqliga, kabidda kirada hoyga iyo taageero-dhaqaaleedka waayeellada loogu talagalay. Haddii aad doonayso inaad ogaato qodobada adiga ku khuseeyo la xiriir miiska macaamiisha.

Gunnada hawlgabka ee qofka laga geeriyooday – taageero-dhaqaaleedka geerida xiriir la leh

Haddii qof ehel ah u geeriyoodo waxaad laga dhintay ahaan lagu siin karaa gunnada hawlgabka ee qofka laga geeriyooday. Waa taageero-dhaqaaleed oo ay ku jirto gunnada hawlgabka guud. Gunnada hawlgabka ee qofka laga geeriyooday waxaad xaq ugu lahaan kartaa, haddii saygaaga/xaaskaaga ama xaaladda qaarkood u qofka aad la nooshahay geeriyoodo, ama haddii ilmo ahaan u waalidkaaga ama waalidiintaada ay geeriyoodeen. Taageerada waxay dabooli doontaa kaalintii dhaqaaleed ee qofka geeriyooday. Taageero-dhaqaaleedka markii qof qaraabo ah u geeriyoodo

Gunnada hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo

Waayeellada badidooda waxay kaloo qaataan gunnada hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo. Haddii aad u shaqayn jirtay loo shaqeeyeyaal kala duwan waxaad qaadan karta dhawr gunnooyinka hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo. Gunnada hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo

Gunnada hawlgabka ee u qofku kaydsaday

Waxaad kaloo bangigaaga ama shirkadaha caymiska gaar ahaan u kaydsan kartaa gunnada hawlgabka waa haddii aad doonayso. Tusaaleha kaydsashada muddada dheer ee gunnada hawlgabka, waxaa weeyaan adigoo lacagaha ku kaydsado akawntiga maalgelinta (ISK) ama lagu kaydsado caymiska hantida. Qaab kale ee lacagaha mustaqbilka dartiisa lagu kaydsado waxaa weeyaan dib u bixinta amaahda guryaha.

Det svenska pensionssystemet består av tre delar: allmän pension från staten, tjänstepension från din arbetsgivare och ett eventuellt eget sparande.

Den allmänna pensionen grundas på alla dina inkomster i Sverige genom livet. Varje år som du arbetar och betalar skatt tjänar du in till din allmänna pension. Du får även extra pengar insatta till din allmänna pension genom ditt barns fyra första levnadsår, oavsett eller hur länge du har varit föräldraledig.

Även om du är föräldraledig, studerar med studiemedel, gör plikttjänst (grundutbildningen inom värnplikt), har sjuk- eller aktivitetsersättning eller får arbetslöshetsersättning får du kompensation till din pension från staten.

För de allra flesta blir pensionen högre ju mer du tjänar och ju senare du väljer att gå i pension. Det är för att pensionen betalas ut under färre år, men även för att du fortsätter tjäna in till din pension. Löneutvecklingen i Sverige och de premiepensionsfonder du valt påverkar också din pension.

Din allmänna pension som kommer från staten administreras och betalas ut av Pensionsmyndigheten. Den allmänna pensionen består av flera olika delar – inkomstpension, premiepension, inkomstpensionstillägg och garantipension.

För dig som är född mellan 1938-1953 kan tilläggspension också ingå i din allmänna pension. Är du född 1937 eller tidigare består din allmänna pension av tilläggspension och eventuellt inkomstpensionstillägg och garantipension. Den allmänna pensionen betalas ut så länge man lever.

Om du har låg pension kan bostadstillägg och äldreförsörjningsstöd också ingå i din allmänna pension. Om en nära anhörig dör kan du få efterlevandepension som är ett ekonomiskt stöd för det inkomstbortfall det innebär för dig som efterlevande.

Så tjänar du in till din pension

När du arbetar i Sverige avsätts 18,5 procent av din lön och andra skattepliktiga ersättningar till den allmänna pensionen varje år. 16 procent sätts av till inkomstpensionen, där värdet på pensionen följer med inkomstutvecklingen i Sverige.

Resterande 2,5 procent av din lön och andra skattepliktiga ersättningar går till premiepensionen, där du själv får välja fonder att placera pengarna i. Du behöver inte välja själv. Om du inte gör något val placeras dina pengar i det statliga förvalsalternativet AP7 Såfa.

Utöver arbetsinkomster ger även vissa andra inkomster och ersättningar rätt till pensionsrätt. De kallas pensionsgrundande belopp. Pensionsgrundande belopp kan du få för år med små barn, sjukersättning eller aktivitetsersättning och högre studier.

Pensionssystemets olika delar

Inkomstpension

Varje år avsätts 16 procent av din pensionsgrundande inkomst och andra skattepliktiga ersättningar till inkomstpensionen.

Den pensionsgrundande inkomsten kan bestå av flera typer av inkomster. Förutom lön kan pensionsgrundande inkomst bestå av till exempel inkomst av näringsverksamhet (egenföretagare), föräldrapenning, arbetslöshetsersättning och sjuk- eller aktivitetsersättning.

Premiepension

Varje år avsätts 2,5 procent av din pensionsgrundande inkomst och andra skattepliktiga ersättningar till premiepensionen. Du väljer själv om du vill placera pengarna genom fondval eller om du låter pengarna ligga kvar i det statliga förvalsalternativet AP7 Såfa. Premiepension

Inkomstpensionstillägg

Inkomstpensionstillägget betalas ut som ett tillägg till allmän pension. Storleken på din beräknade svenska inkomstgrundade pension och inkomstgrundad pension från annat EU/EES-land och Schweiz avgör vilket belopp du har rätt till. Hur många år med pensionsgrundande inkomst du har tjänat in i Sverige påverkar också hur stort inkomstpensionstillägg du får. Inkomstpensionstillägg

Garantipension

Har du haft låg eller ingen inkomst under livet kan du ha rätt att få garantipension. Det är ett grundskydd som baseras främst på hur stor din inkomstpension är och hur länge du bott i Sverige, men även ditt civilstånd. Garantipension 

Bostadstillägg och äldreförsörjningsstöd

Du som har låg pension och bor i Sverige kan ansöka om bostadstillägg. Bostadstillägget baseras på dina inkomster, eventuella tillgångar och din bostadskostnad. Du kan ansöka om bostadstillägget oavsett om du bor i hyrd bostad, bostadsrätt, eget hus, äldreboende eller annat boende.

Äldreförsörjningsstödet garanterar att du som har låg pension eller ingen pension och bor i Sverige ändå får en skälig levnadsnivå om de andra pensionsförmånerna inte räcker till. Du måste först ta ut de andra pensionsförmånerna som du har rätt till innan vi kan ta beslut om du har rätt till äldreförsörjningsstöd. Bostadstillägg och äldreförsörjningsstöd

Om du flyttar från Sverige

Om du slutar arbeta, börjar arbeta i något annat land eller flyttar från Sverige har du kvar den pension du tjänat in här i form av inkomstpension, tilläggspension och premiepension, men för garantipension, inkomstpensionstillägg, bostadstillägg och äldreförsörjningsstöd gäller andra bestämmelser.

Din pension från annat land kan påverka din svenska pension

Eventuell pension som du har tjänat in i ett annat land än Sverige påverkar inte din inkomstpension, premiepension och tilläggspension. Det kan påverka din garantipension, inkomstpensionstillägg, bostadstillägg och äldreförsörjningsstöd. Kontakta kundservice för att ta reda på vad som gäller för dig.

Efterlevandepension – ekonomiskt stöd vid dödsfall

Om en nära anhörig dör kan du som efterlevande få efterlevandepension. Det är ett ekonomiskt stöd som ingår i den allmänna pensionen. Efterlevandepension kan du ha rätt till om din make/maka eller i vissa fall sambo dör, eller om du som barn mister en eller båda föräldrarna. Stödet är till för att täcka en del av den försörjning som den avlidne bidrog med. Ekonomiskt stöd när anhörig dör

Tjänstepension från din arbetsgivare

De flesta får också tjänstepension från sin arbetsgivare. Har du haft flera olika arbetsgivare kan du ha tjänstepension från olika tjänstepensionsbolag. Tjänstepension

Eget sparande till pension

Du kan också spara privat till din pension i bank eller via försäkringsbolag om du vill. Exempel på långsiktigt pensionssparande är att sätta undan pengar i ett investeringssparkonto (ISK) eller spara pengar i en kapitalförsäkring. Ett annat sätt att spara till framtiden är att amortera på bolån.